Thursday, 11 June 2009
Sheeko Qosol badan oo dhex martay oday lagu magacaabo Nasrudiin iyo Tuug u soo dhacay gurigiisa
Tuug ayaa maalin wuxuu yimid guri uu dagnaa oday lagu magacaabo Nasaruddin. Markaas ayuu bilaabay inuu daldasho dhamaan agabkii guriga yaalay.Oday Nasaruddin ayaa yimid balse iska qariyay tuuga. Tuugii ayaa qaatay in ku dhow dhamaan wixii yaalay gurigii. Markii uu baxay ayuu oday Nasaruddin intuu guriga galay, soo qaatay buste, kadibna daba galay tuugii oo agabkii uu xaday la'aaday gurigiisii.Markii ay gaareen gurigii tuuga ayuu oday Nasaruddin intuu bustihii hubsaday, dhulka seexday.Tuugii ayaa yaabay, kuna yiri, ‘Yaa tahay? Maxaadse rabtaa’? Oday Nasaruddin ayaa ku jawaabay:-“Waxaan u maleeyay inaan gurigaada usoo guurnay maadaamo aad alaabtaydii oo dhan aad soo aruursatay.”
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment